Hot topics close

Will yar oo lagu sameeyay qalliin noociisa aan horay dunida loogu arag

Will yar oo lagu sameeyay qalliin noociisa aan horay dunida loogu arag
Dhaqaatiirta Mareykanka ayaa sheegay in will yar oo lagu magacaabo Easton uu dhigay taariikh xagga caafimaadka ah kaddib markii uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dunida oo dhan ee helay adeeg wadna beeris ah iyo qanjirka thymus-ka ee difaaca jirka.

9 Maarso 2022

.

Xigashada Sawirka, STEPHANIE LOPEZ

Dhaqaatiirta Mareykanka ayaa sheegay in will yar oo lagu magacaabo Easton uu dhigay taariikh xagga caafimaadka ah kaddib markii uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dunida oo dhan ee helay adeeg wadna beeris ah iyo qanjirka thymus-ka ee difaaca jirka oo wada socda.

Tallaabadan ayaa la qaaday si loo badbaadiyo noloshiisa, balse waxaa sidoo kale loo arkaa inay gacan ka geysan doonto sare u qaadidda cilmiga ku aadan qalliinada lagu baddelo xubnaha jirka.

Muddo bilooyin ah ayaa ka soo wareegtay markii uu qaliinka maray, wuxuuna baaritaankii la sameeyay muujiyay in xaaladdiisu soo wanaagsanaaneyso.

Wiilkan waxaa sidoo kale lagu beeray xubinta loo yaqaanno thymus, oo haatanba shaqeynaysa, kaas oo kamid ah unugyada difaaca jirka isla markaana ku taalla qeybta sare ee laabta, wadnahana u dhow.

Mid kamid ah dhaqaatiirtiisa, Joseph Turek oo ka socda isbitaalka jamacadda Duke ayaa yiri, "waxaan aad ugu faraxsanahay howsha aan qabanay".

v

Xigashada Sawirka,

"Talaabadan ayaa waxaa ay wax ka bedeli doontaa qaliinka xubnaha gudaha ee mustaqbalka dambe," ayuu intaasi raaciyay.

Qanjirka Thymus, wuxuu caawiyaa koritaanka unugyada T-cells oo ka mid ah habka difaaca jidhka.

Dhaqaatiirta Easton ayaa aaminsan in jirkiisu la qabsan doono unugyadaasi lagu beeray.

Sheekada Easton

Easton wuxuu ku dhashay wadne daciif ah iyo sidoo kale dhibaatooyin la xiriira habka difaaca jirka.

Toddobadii bilood ee ugu horreysay waxa uu ku qaatay isbitaal, wuxuu u baahday dhowr qaliin oo dhanka wadnaha ah, iyo sidoo kale daawaynta caabuqyada soo noqnoqda oo jirkiisu awoodi waayay inuu la dagaalamo.

Dhaqaatiirtiisa waxay hay'adda maamusha dawooyinka ee FDA, ka codsadeen inay sameeyaan qaliin tijaabo ah oo inta ay ogyihiin aanan hore loo sameeyn.

Maadaama Easton uu u baahnaa wadne cusub, iyo xubinka kamidka ah difaaca jirka ee thymus, FDA ayaa waxaa ay ka aqbashay codsigooda, waxaana hanaanka qaliinku bilowday bishii Agoosto ee sanadkii 2021-kii, markaas oo Easton uu lix sano jir ahaa.

d

Xigashada Sawirka, STEPHANIE LOPEZ

"Waxaan u maleyneynay in tani ay keliya fursad u tahay Easton, balse hadii ay shaqeeyso, waxaa loo adegsan doonaa dhamaan qaliinada xubnaha gudaha," ayuu yiry Dr Turek.

Arrintan ayaase u baahan baaritaanno badan.

Similar news
News Archive
  • SnyderCut
    SnyderCut
    The ‘Snyder Cut’ of Justice League is coming to HBO Max in 2021
    21 May 2020
    2
  • IMAX Corporation
    IMAX Corporation
    Struggling Movie Theaters See Glimmer of Hope Following Coronavirus Vaccine News
    10 Nov 2020
    1
  • Apple event
    Apple event
    Apple event live: New iPads, Pencil and Keyboard launched at ...
    7 May 2024
    26
  • Notifiable disease
    Notifiable disease
    Coronavirus is set to be declared a 'notifiable disease' so firms can claim on insurance for losses as tourists begin to ...
    5 Mar 2020
    1